Daawo Sawirrada: Xildhibaan Deeq…

Xildhibaan Deeqo Xuseen X…

Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Itoobiya oo Amartay In Lasoo Xiro Madaxii Hore Ee Sirdoonka

Dowladda Ethiopia ayaa amar adag ku bixisay in sida ugu dhakhsiyaha badan lagu soo xiro Madaxii hore ee Sirdoonka Ethiopia Mr Getachew assefa.

Warqadda lagu soo xirayo Getachow Asssefa ayaa hay’adaha amaanku ay fartay in lasoo xiro, kadib markii bartiisa la waayay muddo ku dhow bil.

Qoraalo kala duwan oo kusoo baxay wargeysyada kasoo baxa dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu sheegay inuu baxsaday Getachew assefa, isla markaana aaday dhanka Sudan.

Waxa ay qoreen in Getachew assefa uu muddo ku dhow bil ku dhuumaleysanaayay Gobolka Tigray oo  uu ka soo jeedo.

Waxa ay qoreen qaar kamid ah wargeysyada in Mr Getachew assefa uu qoyskiisa kala baxay dalka Ethiopia sidaana uu ku baxsaday.

Getachew assefa, ayaa waxaa loo heystaa kiisas la xiriira Awood sheegasho, Meel ka dhaca xuquuqda aadanaha, Xariga iyo dilal toogasho ah oo lagu fuliyay dad tuhmanayaal ah.

Sidoo kale, Wargeyska tesfanews ayaa qoray in dowlada Ethiopia ay baadi-goob xoogan ku heyso Madaxii hore ee Sirdoonka dalkaasi oo ka danbeeyay dilal sharci daro ah oo ka dhacay dalkaasi, waxaana gacan ku dhigistiisa loo xil saaray gudiyo ka tirsan Hay’adaha amaanka dalkaasi.

Abiy Axmed, Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia ayaa isbeddel ku sameeyay Hay’adaha amaanka dalkaas,waxaana uu xilka ka qaaday taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Ethiopia.

Abiy Axmed, waxa uu xil ka qaadis kadib amar ku bixiyay in la baaro dhammaan shaqsiyaadka xilka laga qaaday waxaana kamid ahaa Getachew assefa, oo aad loo raadinayo.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia ayaa baaritaano ku heysa mas’uuliyiin badan oo dhawaan laga qaaday xilka kuwaa oo la tuhmaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *