War Deg Deg Ah: Mooshinkii Laga …

Xoghayaha Golaha Shacabka…

Xasan Shiikh Oo La Kulmay Siyaas…

Madaxweynihii hore 4-aad …

Afhayeenka Baarlamaanka Federaal…

Maxamed Mursal Sheekh Cab…

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed…

Warar laga helayo Madaxto…

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaan…

Guddoomiye ku xigeenka 2a…

3 Ruux Oo Xalay Lagu Dilay Degma…

Faah-faahino dheeraad ah …

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Moo…

Dadweyne farabadan ayaa i…

Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn …

Taliska Mareykanka ee qaa…

C/raxmaan C/shakur "Dowlada Waxa…

Waxaa maanta lagu wadaa i…

Xildhibaano Caawa Mooshin Xilka …

Shir jiraa’id oo goordhaw…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Koox Hubeysan oo Dil Ka Geystay Suuqa Bakaaraha

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi galabta lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn isgoyska Bakaaraha ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadka rara baabuurta ka baxda Suuqa Bakaaraha ee aada degmada Kaxda.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay inoo sheegeen dilka kadib inay goobta ka baxsadeen dableyda dilka geysatay kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Somaliya.

Waxaa la sheegay marka uu dilka dhacayay in isgoyska Bakaaraha ay ku sugnaayeen ciidan dowladeed, kuwaasi oo aanan si deg deg ah uga jawaabin dilkan.

Bishan gudaheeda sidan oo kale waxaa Bakaaraha loogu dilay nin kale oo isna rari jiray baabuurta, waxaa muuqata inay kordheen dilalka ka dhacaya Muqdisho, maadaama maalmihii la soo dhaafay ay dhaceen dilal xiriir ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *