War Deg Deg Ah: Mooshinkii Laga …

Xoghayaha Golaha Shacabka…

Xasan Shiikh Oo La Kulmay Siyaas…

Madaxweynihii hore 4-aad …

Afhayeenka Baarlamaanka Federaal…

Maxamed Mursal Sheekh Cab…

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed…

Warar laga helayo Madaxto…

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaan…

Guddoomiye ku xigeenka 2a…

3 Ruux Oo Xalay Lagu Dilay Degma…

Faah-faahino dheeraad ah …

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Moo…

Dadweyne farabadan ayaa i…

Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn …

Taliska Mareykanka ee qaa…

C/raxmaan C/shakur "Dowlada Waxa…

Waxaa maanta lagu wadaa i…

Xildhibaano Caawa Mooshin Xilka …

Shir jiraa’id oo goordhaw…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Xog Hoose: Waa Kuma Musharaxa Dowlada Federaalka u Wadato K/galbeed Soomaaliya

Warar hoose oo caawa ay heshay Wakaalada Ishabaydhaba.com ayaa sheegaya in  Taliye kuxigeenka Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu si cad u sheegay musharixa ay ku taageeri lahaayeen doorashada dhawaan ka dhici doonta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulamo hoose oo Musharixiinta Koonfur Galbeed ee is qarinaya la yeesheen Fahad Yaasiin ayaa kusoo dhamaaday Niyad Jab.

Qaar kamid ah Musharixiinta is qarinaya ayaa durba ka walwalsan mowqifka dowlada federaalka soomaaliya ee Doorashada Koonfur Galbeed.

Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay wadato Musharax Wasiir C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Dhanka kale waxaa jira qorshe kale uu wado Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wakiil ka ah Damuljadiid iyo Daljir oo iyagana ka fikiraya musharaxa ay awoodooda isugu geyn lahaayeen doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Musharaxiinta damaca ugu jira xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa wada qorshe isku baheysanayaan si ay saameyn ugu yeeshaan Musharaxa marlabaad u taagan xilka K/galbeed Shariif Xasan iyo Musharaxa Madaxtooyada wadato.

Musharixiinta ilaa hada isbaheysanaya waxaa kamid ah, Ex-wasiirkii Maaliyada Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti, Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Ex-Lataliyihii Danjire Nicholas Kay Xuseen Kushuk, Ex-wasiir Yuusuf Baadiyow.

Isku soo wada duub waxaa isbuuca soo socda la filaya in Magaalada Baydhaba ay gaaraan Musharixiinta aan kor kusoo sheegnay oo dhamaantood ka go’an sidii meesha ay uga saari lahaayeen Madaxweynaha iminka xilka haya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo marlabaad u sharaxan Madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *