Xildhibaanada Aqalka Sare Ku Mat…

Senatarada Federaalka ku …

Daawo Sawirrada: Kal-fadhiga 4-a…

Magalada Muqdisho gaar ah…

War-saxaafadeed: Dowlada Soomaal…

Xukuumadda Jamhuuriyadda …

Ra'iisal Wasaare Kheyre Iyo Wafd…

Wafdi uu hogaaminayo Ra’i…

Dagaal Culus Oo Ka Soconaya Deyn…

Sida ay wararku nagu soo …

Daawo Sawirrada: Wasiiro Iyo Xil…

Wafdi uu hoggaaminayo was…

Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose Oo…

Madaxweynaha Soomaaliya M…

Soomaaliya Iyo Midowga Yurub Oo …

Xukuumaadda federaalka So…

Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Ma…

Maxamed Cabdilaahi Farmaa…

Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya…

Taliyaha Nabad Suggida So…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Xukuumada Soomaaliya Oo u Ogolaatay Dalka Qatar Inuu Dhoofsado Duur-joogta Dalka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, ayaa u ogolaatay Safaaradda dalka Qatar ee fadhigeeda yahay Muqdisho inay ka dhoofsan karto Somalia Duur-joogta, gaar ahaan sagaarada.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda oo uu ku saxiixnaa agaasimaheeda guud Maxamed Cumar Nuur, ayaa lagu sheegay Duur-joogta ay dhoofsaneyso safaaradda Qatar ay gaarayso 14 sagaaro, kuwaasoo caafimaadkooda la hubiyay.

Sidoo kale, Sagaarada ayaa ka mid ah duur-joogta ugu caansan ee laga helo Somalia, sida aadka ahna loo ugaarsado, isla markaana hilibkeeda si aad ah ay dadku u jecel yihiin.

Tallaabadan ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo nooceeda oo ay ku dhawaaqdo Xukuumadda Somalia, waxaana tani ay furaysaa waddooyin hor leh oo lagu dhoofsan karo duur-joogtada Somalia oo markeedii horeba isaga barakacday dalka, kaddi dagaalladii rubuc qarniga socday.

Ugu dambeyn, Dowladda Qatar ayaa waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah ay isugu dhaw yihiin Dowladda Federaalka Somalia, waxaana dalkaas uu horay Somalia uga dhoofsaday kumannaan dhallinyaro ah oo la sheegay in uu ka dhigayo ciidammo.

AKHRISO: Qoraalka Kasoo Baxay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *