Daawo Sawirrada: Xildhibaan Deeq…

Xildhibaan Deeqo Xuseen X…

Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Turkiga Oo Soomaaliya Ka Hirgalinaya Mashaariic Ku Aadan Tamarta

Kulan magaalada Ankara ku dhex maray Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Cismaan Libaax Ibraahiim iyo dhigiisa dalka Turkiga ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal gaar ahaan sidii loo amba qaadi lahaa fulinta heshiisyo hore loo galay.

Kulanka ayaa inta uu socday la isla soo hadal qaaday sidii wasaaraddaha Tamarta Soomaaliya iyo Turkiga ay u yeelan lahaayeen Maalgashi dhinaca Tamarta ah.

Waxyaabaha kale ee diirada lagu saaray kulanka waxaa kamid ah fulinta heshiis iskaashi oo labo sano ka hor ay kala saxiixdeen wasaaradaha Tamarta Turkiga iyo Soomaaliya iyo sidii Turkiga uu wasaarada Tamarta Soomaaliya uga caawin lahaa kobcinta aqoonta iyo khibradaha shaqo ee shaqaalaha Wasaaradda Tamarta Soomaaliya.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Turkiga ay Soomaaliya ka gacan siin doonto sidii looga saacidi lahaa sharciga tayaynta sharciga Tamarta ee horyaalo Golaha wasiiradda.

Cismaan Libaax ayaa Sidoo kale xusay in dawladda Turkiga ay dalka ka hirgelin doonto maalgashi dhanaca Tamarta iyo kheyraadka Dabiiciga ah.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir qotodheer oo ku qotoma iskaashiga labada dhinac,waxaana sanadihii dambe Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayay dhinacyada amaanka,dhismaha ciidanka,kor u qaadida waxbarashada iyo tayaynta caafimaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *