Daawo Sawirrada: Xildhibaan Deeq…

Xildhibaan Deeqo Xuseen X…

Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Ciidanka Booliska oo Gacanta Ku Dhigay Mootooyin Geysanayay Falal Amni Daro

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa hawlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen mootooyin isugu jira Bajaaj iyo kuwa labada lugood leh ee loo yaqaano VIKON.

Hawlgalkan ayaa waxaa ka wada qeyb galay maamulka degmada Boondheere, ciidamada booliska iyo shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Mootooyinkan oo lagu soo bandhigay saldhigga booliska degmada Boondheere ayaa waxaa qaar waxaa looga shakiyay inay lidi ku ahaayeen ammaanka halka qaar kalena ay sumad la’aan ahaayeen.

Taliye kuxigeenka booliska degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Shariif Cabdulle Taakow ayaa wuxuu sheegay inay soo qabteen 19 mooto, wuxuuna tilmaamay in sharciga la horgeyn doono.

Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Seynab Yuusuf Wehliye ayaa dhalinyarada dhibaatada geysata ugu baaqday inay ka waantoobaan falalka ay geystaan.

“Dadkii mootooyinka ku qaraaban jiray waan soo qabanay intooda badan, kuwa kalena waan ku daba jirnaa, waxaan rajeynaynaa inaan ammaan ka dhigno degmada Boondheere, waxaan ku baaqayaa inay wada shaqeyn buuxda yeeshaan shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Hawlgaladan ayaa wuxuu ujeedkooda yahay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir oo maalmihii dambe ay ku soo kordheen falalka ka baxsan ammaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *