Xildhibaanada Aqalka Sare Ku Mat…

Senatarada Federaalka ku …

Daawo Sawirrada: Kal-fadhiga 4-a…

Magalada Muqdisho gaar ah…

War-saxaafadeed: Dowlada Soomaal…

Xukuumadda Jamhuuriyadda …

Ra'iisal Wasaare Kheyre Iyo Wafd…

Wafdi uu hogaaminayo Ra’i…

Dagaal Culus Oo Ka Soconaya Deyn…

Sida ay wararku nagu soo …

Daawo Sawirrada: Wasiiro Iyo Xil…

Wafdi uu hoggaaminayo was…

Gudoomiyaha Shabeellaha Hoose Oo…

Madaxweynaha Soomaaliya M…

Soomaaliya Iyo Midowga Yurub Oo …

Xukuumaadda federaalka So…

Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Ma…

Maxamed Cabdilaahi Farmaa…

Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya…

Taliyaha Nabad Suggida So…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Muuqaal+Sawirro: Musharax Shiikh Mukhtaar Roobow Oo Walaac Ka Muujiyay Dib U Dhaca Magacaabista Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed

Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ah Musharax u taagan qabasahda xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Baydhaba Janaay oo Xarun KMG u ah maamulkaasi kulan kula qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed.

Mukhtaar Roobow oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid Magacaabista Guddiga doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed oo aan la magacaabin weli,iyadoo dhawaan la filayo in doorasho ay ka dhacdo Magaalada Baydhaba.

Sidoo kale qaar kamid ah Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dib u dhaca ku yimid Magacaabista Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ku dhaliilayaan Madaxa Koonfur galbeed oo ay sheegeen inuu ka meer meerayo magacaabida gudigaas.

17 November ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhaba oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay ku tartamayaan musharixiin badan oo uu kamid ah Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

1 comment

  1. Mohamed adan ibrahim Reply

    Waxaan ku raja weynahay in uu madax noo noqdo qof jcyl dalkiisa diintiisa iyo dadkiisa ahna mid hormar iyo waxqabad leh illahna waxaan kabaryoonaa inuu mid wax garad ah dadkiisa fahmikaro kana difaaci karo cadowgooda nooga dhigo hogaamiye insha allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *