Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Mag…

Idaacadda ku hadasha afka…

Sawirro" Ra’iisal Wasaarihii Hor…

Waxaa maanta magaalada Ki…

Daawo Sawirrada: Xildhibaano Uu …

Magaalada Baydhaba ee Xar…

Daawo Sawirrada: Wafdi Ka Socda …

Wafdi ka socda Qaramada M…

Shaqaale Ka Tirsan Shirkada Horm…

Koox hubeysan ayaa Magaal…

Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay…

Cabdiqaadir Shariif Sheek…

"Sawirro" Wararkii Ugu Dambeeyay…

Waxaa goordhaweyd Baydhab…

Madaxwyene Xaaf ”Ukumihii Ay Abu…

Deegaano iyo degmooyin ka…

Xildhibaanada Baarlamaanka Sooma…

Xildhibaanada Golaha Shac…

Isbedel Lagu Sameeyay Saraakiish…

Qaar ka tirsan saraakiish…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Aqoonyahano Eedeyn U Jeediyay Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Ku Sugan Baydhaba

Qaar kamid ah Aqoonyahanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku sugan Magaalada Baydhaba.

Aqoonyahanada walaaca ka muujiyay Xildhibaanada ku sugan Baydhaba waxaa kamid ah Madey Shiikh Cabdullahi Iyo Shariif Ibraahiim “Baasha”.

Aqoonyahanadan ayaa eedeyn dusha uga turay Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed iyo Xildhibaan Shaacir Maxamed Xasan oo Magaalada Baydhaba kawada olole siyaasadeed oo la xiriira doorashada Koonfur Galbeed xili ay socdaan howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay inay u olole ugu jiraan sidii Musharax Shariif Xasan markale loogu dooran lahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Aqoonyahanadan ayaa ka dalbaday Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan inuu la xisaabtamo xildhibaanada Baydhaba ka wada ol-olaha doorasho.

“Xildhibaanka looguma tala gelin in uu faraha la galo arrimo aan shaqadiisa aheyn, xili uu furan yahay kalfadhiga Goolaha Shacabka”.sidaas waxaa yiri Madey Shiikh C/laahi

Dhanka kale Shariif Baasha ayaa sheegay in Xildhibaanadaasi shaqo ku laheyn doorashada Koonfur Galbeed, waxuuna ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha ay ku jiraan kuna laabtaan Muqdisho.

Eedeynta loo jeediyay Xildhibaanada kala ah Yacquub Cali Maxamed iyo Shaacir Maxamed Xasan ayaa kusoo aadeysa xili maanta lagu dhawaaqay Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *