Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

Guddiga Qaban-qaabada Xafladda C…

Waxaa goordhaw lagu dhawa…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Xukuumada Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Doorashada Koonfur galbeed

Wasaarada arimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xaalada siyaasadeed ee maamulka Koonfur galbeed iyo doorashada la filayo in ay ka qabsoomto deegaanada maamulkaasi.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaarada ayaa madaxda maamulka Koonfur galbeed lagu faray in doorashada dowlad goboleedka Koonfur galbeed ay u qabsoonto xiligii loo asteeyay oo ah 17-ka November 2018.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha federaalka ayaa lagu yiri sidatan:-

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *