Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

Guddiga Qaban-qaabada Xafladda C…

Waxaa goordhaw lagu dhawa…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Axmed Madoob Oo Kismaayo Ka Furay Shirka Wadatashiga Wasiirada Amniga Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka furay magaalada Kismaayo Shirka Wasiirada Amniga dowlad goboleedyada iyo Taliyeyaashooda Nabadsugida.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Amniga afarta maamul goboleed ee Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug, waxaa horay lagu iclaamiyay shirkii Garowe bishii hore ka dhacay, kaasoo maamul goboleedyada afarta ah isku raaceen inay sameysaan Ciidan iyo Sirdoon u gaar ah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa furitaanka shirka ka sheegay in ay Wasiiradu qiimayn ku samayn doonan xaalada amni kadibna ay go’aamo ka gaari doonaan howlaha horyaala oo ay ugu muhiimsan tahay dhismaha Ciidamada isku dhafka ah.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka soo dhalaali weyday kaalinta amniga, taas bedelkeed ku mashquushay burburka dalka iyo carqaladeynta maamulada sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay inay dardar galin doonaan iskaashi buuxa oo dhinaca ammaanka ah, isla markana Ciidamada la isku keeno ay fulin doonaan howlgalo qorshaysan oo lagu xasilinayo dalka.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay maamul Goboleedyada hadba sida ay ugu kala muhiimsan yihiin dhinaca amniga howlgalada loo qaybsan doono, isla markana la cirib tiri doono kooxda Al-Shabaab sida uu yiri.

Shirka ka furmay Kismaayo ayaa inta uu soconayo lagu falanqeyn doonaa iskaashiga dhinac amniga iyo isku dhafka Ciidamada maamul goboleedyada laga keenayo sidii loo bilaabi lahaa qorshahooda ugu horeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *