War Deg Deg Ah: Mooshinkii Laga …

Xoghayaha Golaha Shacabka…

Xasan Shiikh Oo La Kulmay Siyaas…

Madaxweynihii hore 4-aad …

Afhayeenka Baarlamaanka Federaal…

Maxamed Mursal Sheekh Cab…

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed…

Warar laga helayo Madaxto…

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaan…

Guddoomiye ku xigeenka 2a…

3 Ruux Oo Xalay Lagu Dilay Degma…

Faah-faahino dheeraad ah …

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Moo…

Dadweyne farabadan ayaa i…

Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn …

Taliska Mareykanka ee qaa…

C/raxmaan C/shakur "Dowlada Waxa…

Waxaa maanta lagu wadaa i…

Xildhibaano Caawa Mooshin Xilka …

Shir jiraa’id oo goordhaw…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

“Sawirro” Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada K/galbeed Iyo Xildhibaano Gaaray Baydhaba

Waxaa goordhaweyd Baydhaba Janaay gaaray wafdi Xildhibaano Federaal ah oo ay hogaaminaysay Xildhibaan Fowziyo Maxamed Sh C/raxmaan.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala ahaa Musharax Madaxweyne Aamino Mursal “Aamina Eelaay”  iyo Ex-Xildhibaan Maxamed Malaaq.

Dhanka kale waxaa saacaddihii lasoo dhaafay Magaalada ka dhacay kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda doorashadda Madaxtinimadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xubnaha ka haray guddigii doorashadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ay sii wadayaan Shaqadda, islamarkaana doorasho ay ku dhici doonto xilligii loogu tala galay.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Baarlamaanka K/galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Manye ayaa wada dadaallo kala duwan oo ku aadan in la kordhiyo Guddiga doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed si doorashaddu ugu dhacdo sidii loogu tala galay.

Sidoo kale qaar ka mid ah Musharaxiin uu hogaaminayo Ex-wasiirkii hore Maaliyada Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti ayaa dalbadey in dib loo dhigo doorashadda Koonfur Galbeed.

Isku soo wada duub, Musharixiinta qaar oo aan xiriir hoose la sameeynay ayaa ka muuqatay Jahwareer Siyaasadeed oo ku aadan Xaaladda Doorashada Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *