War Deg Deg Ah: Mooshinkii Laga …

Xoghayaha Golaha Shacabka…

Xasan Shiikh Oo La Kulmay Siyaas…

Madaxweynihii hore 4-aad …

Afhayeenka Baarlamaanka Federaal…

Maxamed Mursal Sheekh Cab…

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed…

Warar laga helayo Madaxto…

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaan…

Guddoomiye ku xigeenka 2a…

3 Ruux Oo Xalay Lagu Dilay Degma…

Faah-faahino dheeraad ah …

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Moo…

Dadweyne farabadan ayaa i…

Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn …

Taliska Mareykanka ee qaa…

C/raxmaan C/shakur "Dowlada Waxa…

Waxaa maanta lagu wadaa i…

Xildhibaano Caawa Mooshin Xilka …

Shir jiraa’id oo goordhaw…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Xukuumada Soomaaliya Oo Sheegtay In Howlgal Ka Dhacay Gobolka Baay Lagu Dilay Saraakiil Al-Shabaab Ah

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya saaxiibo Caalami ah in ay weerar qorsheysan ay ka fuliyeen Gobolka Baay, kaas oo lagu dilay Saraakiil iyo Ciidamo  ka tirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

Ciidamada Qaranka oo Gacan Ka helaya saaxiibo Caalami ah ayaa hawlgal Qorshaysan Ka fuliyay Gobalka Baay.

Hawlkaan oo dhacay 30 November 2018 waxaa lagu beegsaday Saraakiil iyo Ciidamo Ka tirsan Shabaab oo Ku hawlanaa Falal argagixiso.

Waxaa lagu dilay hawlgalka Sargaal Ka tirsan Shabaab oo isugu jira Saraakiil iyo Ciidamo mana jirto waxyeelo soo gaartay shacabka.

Dawladda Soomaaliya oo gacan Ka helaysa Saaxiibadeed waxeey dadaal ugu jirta wiiqista Alshabaab, si looga hor istaago waxyeelada Shacabka oo ay Ku caanbaxeen.

Hawlgalkaan wuxuu daba socdaa Hawlgaladii Gobalka Mudug ee lagu Kala cayriyay Alshababkii joogay nawaaxigaas, taas oo ay Ku diirsadeen Shacabka ay xoogga Ku haysteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *