War Deg Deg Ah: Mooshinkii Laga …

Xoghayaha Golaha Shacabka…

Xasan Shiikh Oo La Kulmay Siyaas…

Madaxweynihii hore 4-aad …

Afhayeenka Baarlamaanka Federaal…

Maxamed Mursal Sheekh Cab…

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed…

Warar laga helayo Madaxto…

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaan…

Guddoomiye ku xigeenka 2a…

3 Ruux Oo Xalay Lagu Dilay Degma…

Faah-faahino dheeraad ah …

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Moo…

Dadweyne farabadan ayaa i…

Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn …

Taliska Mareykanka ee qaa…

C/raxmaan C/shakur "Dowlada Waxa…

Waxaa maanta lagu wadaa i…

Xildhibaano Caawa Mooshin Xilka …

Shir jiraa’id oo goordhaw…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Musharax C/casiis Lafta-gareen Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Xildhibaanada Federaalka Ee Ku Sugan Baydhaba

Musharax Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed  C/casiis Xasan Maxamed(Laftagareen) ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.

Laftagareen ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo waxa ay doonaan ka sheega xaalada Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed,xilli dhawaan la filayo inay Magalada Baydhaba ka dhacdo doorashada Madaxweynaha KGS.

 “Hadii doorasho la gelayo kuwa wax dooranayo ma ahan xildhibaanada federaalka ee waa kuwa koonfur Galbeed,shaqadooda federaalka uga taalo ha qabsadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka,laakin dagaalkii & buuqii ay Xamar ku hayeen yaysan usoo rarin Baydhabo”

Isaga oo sii hadlayay musharax Cabdicasiisi Laftagareen ayaa waxa uu ku eedeeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka in maalin walba ay ka been sheegeen xaalada Magaalada Baydhabo,isla markaana ku tilmaamaan in magalada lagu duulay oo la qabsaday,waxaana uu uga digay inay arrintaasi sii wadaan.

Musharax C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka mid ah musharixiinta ugu cadcad Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana dad badan ay  aaminsan yihiin inuu noqon doono Madaxweynaha soo socda ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *