War Deg Deg Ah: Mooshinkii Laga …

Xoghayaha Golaha Shacabka…

Xasan Shiikh Oo La Kulmay Siyaas…

Madaxweynihii hore 4-aad …

Afhayeenka Baarlamaanka Federaal…

Maxamed Mursal Sheekh Cab…

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed…

Warar laga helayo Madaxto…

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaan…

Guddoomiye ku xigeenka 2a…

3 Ruux Oo Xalay Lagu Dilay Degma…

Faah-faahino dheeraad ah …

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Moo…

Dadweyne farabadan ayaa i…

Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn …

Taliska Mareykanka ee qaa…

C/raxmaan C/shakur "Dowlada Waxa…

Waxaa maanta lagu wadaa i…

Xildhibaano Caawa Mooshin Xilka …

Shir jiraa’id oo goordhaw…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

La Kulan Keenii Musharaxa Ugu Cad-cad Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya (Allaa Watoo Wehel Uma Baahna)

Siyaasiga Cabdicasiis Xasan Maxamed “Lafta-gareen” oo ah Musharaxa ugu Cadcad Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya kana soo qabtay xilal kala duwan Dowladihii Federaalka iyo mida hada jirta ayaa maanta ku booqday Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Baydhaba Janaay.

Hadaba Warbaahinada Ishabaydhaba.com iyo Somalibritishmedia.com  waxa ay fursad u heleen in Aqoonyahan C/casiis Lafta Gareen waraysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshaan.

Mudane Maxaa Kugu Dhaliyay Inaad Isku Soo Sharaxdo Hogaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.?

Waxaan ahay muwaadin go’aan ku gaaray in Ummadiisa wax u qabto, markaan Mas’uuliyada Gurigeyga meel ku hubsadey ayay igu dhalatey inaan u istaago dadkeyga iyo dalkayga oo u baahan in la daba qabto lana hormariyo, waxaana aamin sanahay inaan mudanahay Hogaanka Koonfur Galbeed oo aan ka mid ahay kuwa Usha u qaban lahaa kuwooda ugu horeeya.

Hadii Laguu Doorto Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.?

Waxaan balan qaadayaa inaan ugu horeyn Shacabka iyo Xildhibaanada Amnigooda xooga saari doono iyadoo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulayo sidii Wakiilada Mushaharadooda u heli lahaayeen.

Waxaan ilaalinayaa sareynta Sharciga, waxaana xooga saarayaa sidii Dastuurka Draftiga ah looga dhigi lahaa mid degan oo Xukuumada iyo Baarlamanka ku wada shaqayn karaan.

Waxaan xiriiro ka diyaarinayaa dhamaan Jaaliyadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku nool dhamaan daafaha dunida.

Waxaan Ururada Bulshada rayidka ah min Tuulo ilaa Gobol qaadanayaa Talooyinkooda waxku oolka ah oo aan ficil muuqdo ka dhigi doona Insha’allaah.

Mudane waxaa dhawaan dhacaysa Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, hadana waxaa shaki laga qabaa in Doorasho Xor iyo Xalaal ah ka dhacdo Baydhaba.?

Waxaa uu yiri Mudane Lafta Gareen, waxaan rabnaa inay dhacdo Doorasho Xalaal ah oo lagu kala guuleysto.

“Ma ii muuqdo wax Mishaakil ah oo diidaya in Koonfur Galbeed ay ka dhacdo Doorasho Xor iyo Xalaal ah”.

Isku Soo Wada Duub Soomaali Ayaan Ka Maqli Jirey Allaa Watoo Wehel Uma Baahna.

F.G. Waxaan Idin Soo Gudbin Doonaa Wareysiga Oo Muuqaal Ah. Insha’allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *