Daawo Sawirrada: Xildhibaan Deeq…

Xildhibaan Deeqo Xuseen X…

Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Xildhibaano Caawa Mooshin Xilka Qaadis Ah Ka Gudbiyay Madaxweyne Farmaajo

Shir jiraa’id oo goordhawayd ay ku qabteen magaalada Muqdisho xildhibaano ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay kusoo bandhigeen mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Walow aan la ogeyn tirada xildhibaanada mooshinka xil ka qaadista ah ka gudbiyay madaxweyne Farmaajo hadana xildhibaanada caawa shiray waxa ay shirkooda jiraa’id ka sheegeen in ay yihiin tiro xildhibaano ah kuwaas oo dastuurka uu siinayo awood ay xilka uga qaadaan madaxweynaha.

Villa Hargaysa oo ah halka uu caawa ka qabsoomay Shirka jiraa’id ee xildhibaanada ayaa ku sugnaa tiro aan badnayn oo xildhibaano ah inkastoo ay sheegeen in iyagu ay wakiil ka yihiin xildhibaano ku dhow 80 meeyo.

Mar sii horeysay oo maanta ah ayay ahayd markii uu soo shaac baxay mooshinka ka dhanka ah madaxxweynaha Soomaaliya xiligaas oo la sheegayay in warqada mooshinka uu gudoomay Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan gudoomiyaha Golaha shacabka.

Lama oga halka uu saldhigan doono mooshinkan xil ka qaadista ah ee ay qaar kamid ah xilldhibaanada golaha shacabka ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hase ahaatee mooshinka ayaa noqonaya dhul gariirkii ugu xumaa ee ay la kulanto dowlada madaxweyne Farmaajo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *