Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

Guddiga Qaban-qaabada Xafladda C…

Waxaa goordhaw lagu dhawa…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

C/raxmaan C/shakur “Dowlada Waxay Carqaladaynaysaa Soo Dhaweyntayda Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu gaaro siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan dowlada iminka talada haysa.

Siyaasigan oo horey ay dowlada Federaalka Soomaaliya ku weerartay hoyga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho kadibmarkii ay dowladu ay ku eedeyso qaran dumisnimo ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu kaga hadlay socdaalka uu ku imaanayo magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in uu dib ugu soo laabanayo magaalada Muqdisho isagoo intaa ku daray hadalkiisa in soo dhaweyntiisa ay ka qeyb gali doonaan taageerayaal kamid xisbi siyaasadeedka uu hogaamiyo ee wadajir iyo saaxiibo ay ku midoobeen siyaasadda.

Waxa uu sheegay in haatan ay socoto carqaladayn lagu sameynayo soo dhaweyntiisa oo ay garwadeen ka tahay sida uu hadalka u dhigay dowlada Federaalka taasoo uu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin.

Dowlada Soomaaliya ayaa sanad ka hor siyaasigan kala baxday hoygiisa magaalada Muqdisho xiligaas oo iska hor imaad uu dhexmaray ilaaladiisa iyo ciidamadii loo diray ay ku geeriyoodeen lix kamid ah ilaaladiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qabashiida kadib lasoo taagay maxkamada isagoo loo hayso dambi la xiriira majaxaabin dowladnimo hase ahaatee markii dambe ayaa maxkamada Gobolka Banaadir ay sii deysay kadib markii ay sheegtay in lagu waayay eedeha iyo dambiyada lagu oogay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *