Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

Guddiga Qaban-qaabada Xafladda C…

Waxaa goordhaw lagu dhawa…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Guddiga Doorashada Puntland Oo Soo Saaray Shuruudaha Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenkiisa

Waxaa maanta lasoo saaray shuruudaha laga doonayo musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.

Gudiga doorashada Puntland ayaa sheegay in Musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland laga doonayo in ay buuxiyaan shuruudaha isdiiwaan gelinta oo ay qeyb ka yihiin soo gudbinta araajida musharaxnimo iyo bixinta lacagaha isdiiwaan gelinta.

Gudiga ayaa sheegay in qabashada araajida musharixiinta la bilaabayo 12: duhurnimo oo maanta kuna beegan taariikhda 5-ta bisha January iyadoona ay sheegeen in ay ku ekaan doonto maalinta Beri saacadu marka ay tahay 4:00 galabnimo.

Musharax u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland ayay gudigu sheegeen in laga doonayo bixinta lacag dhan $20,000 oo doolar halka ku-xigeenkiisana laga qaadayo $10.000 oo doolar taas oo ah lacagaha isdiiwaan gelinta.

Waxaa sidoo kale gudiga ay sheegeen in musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa laga doonayo in da’dooda aanay ka yaraan 40 sano iyadoo la waafajinayo dastuurka qodobada ku xusan dastuurka Puntland.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 8 bishan January iyadoona sida gudiga doorashada ay sheegeen khudbad jeedinta musharixiinta la bilaabayo ka hor maalinta doorashada taariikhduna ay ku astaysan tahay 7 bisha Janaayo 2019.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *