Daawo Sawirrada: Xildhibaan Deeq…

Xildhibaan Deeqo Xuseen X…

Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Mid Ka Mid Ah Dalalka Xubnaha Ka Ah Golaha Ammaanka Ee QM Oo Go’aan Ka Qaatay Cayrintii DFS Ee Nicholas

Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu sifeeyey Go’aankii DFS ku cayrisay Nicholas Hansom inuu ahaa go’aan hal-dhinac oo keliya gaaray, waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraalka waxaa lagu muujiyey inay Dowladda Fraansiiska taageero buuxda u hayaan Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Hansom, isla markaana uu yahay Mas’uul xushmad loo hayo, kuna guuleystay dadaalkiisa ku aadan Nabadda, xilka uu ka hayo QM iyo tan dalka uu ka soo jeedoa ee South Afrika, waa sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska waxay kaloo qoraalkooda ku xaqiijiyeen inay taageero buuxda u hayaan Hay’addaha QM iyo kuwa ay wada-shaqeynta leeyihiin ee ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo ay ku jiraan Midowga Yurub iyo Midowga Afrika, kuwaasi oo kaalin muuqata ka qaata sidii Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Faransiiska oo xubin ka ah 5-ta waddan ee joogtada ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa u muuqata inay si cad uga hor yimaadeen Go’aankii DFS, inkastoo uu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres sheegay inay aqbaleen go’aankii DFS ku soo cayriyeen Ergayga Gaarka ee QM u joogay Somalia, Nicholas Hansom, kaasi oo xilkaasi hayey tan iyo bishii September ee sannadkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *