Daawo Sawirrada: Xildhibaan Deeq…

Xildhibaan Deeqo Xuseen X…

Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Koox Hubeysan oo Dil Ka Geystay Suuqa Bakaaraha

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi galabta lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Dilkan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn isgoyska Bakaaraha ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadka rara baabuurta ka baxda Suuqa Bakaaraha ee aada degmada Kaxda.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay inoo sheegeen dilka kadib inay goobta ka baxsadeen dableyda dilka geysatay kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Somaliya.

Waxaa la sheegay marka uu dilka dhacayay in isgoyska Bakaaraha ay ku sugnaayeen ciidan dowladeed, kuwaasi oo aanan si deg deg ah uga jawaabin dilkan.

Bishan gudaheeda sidan oo kale waxaa Bakaaraha loogu dilay nin kale oo isna rari jiray baabuurta, waxaa muuqata inay kordheen dilalka ka dhacaya Muqdisho, maadaama maalmihii la soo dhaafay ay dhaceen dilal xiriir ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *