Xasan Shiikh Oo La Kulmay Siyaas…

Madaxweynihii hore 4-aad …

Afhayeenka Baarlamaanka Federaal…

Maxamed Mursal Sheekh Cab…

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed…

Warar laga helayo Madaxto…

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaan…

Guddoomiye ku xigeenka 2a…

3 Ruux Oo Xalay Lagu Dilay Degma…

Faah-faahino dheeraad ah …

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Moo…

Dadweyne farabadan ayaa i…

Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn …

Taliska Mareykanka ee qaa…

C/raxmaan C/shakur "Dowlada Waxa…

Waxaa maanta lagu wadaa i…

Xildhibaano Caawa Mooshin Xilka …

Shir jiraa’id oo goordhaw…

Daawo Sawirrada: Musharax C/casi…

Mushraxa u taagan xilka M…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Daawo Sawirrada: Duqa Muqdisho Iyo Danjiraha Turkiga oo Deeq U Qaybiyay Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka Ah

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Safiirka Dawladda Turkiga Danjire Olgan Bekar ayaa deeq isugu jirta kuraas, biraha lagu socdo iyo ulaha indhoolayaasha u qeybiyey qaar kamid ah bulshada qabta baahiyaha gaarka ah.

Deeqdan oo ay soo dhiibtay hay’adda IGEL oo ah hay’ad ay leeyihiin muwaadiniin Turkish ah oo ku nool dalka Switzerland ayaa waxaa ka faa’iideystay 130 ruux.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahadceliyey Shacabka iyo Dawladda Turkiga gacanta walaaltinimo ee mar walba ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed. Isagoo xusay in deeqdani ay wax badan tarayso dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Dawladda Turkiga iyo Shacabkeedaba sida ay xili walba u garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan gacan siinta bulshada nugul ee maanta ka faa’iideysanaya deeqdan”.

Danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa sheegay in dawladdiisa ay ka go’an tahay taageerada Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay sii wadi doonaan deeqaha ay gaarsiinayaan qeybaha bulshada kuwooda nugul.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *