War Deg Deg Ah: Mooshinkii Laga …

Xoghayaha Golaha Shacabka…

Xasan Shiikh Oo La Kulmay Siyaas…

Madaxweynihii hore 4-aad …

Afhayeenka Baarlamaanka Federaal…

Maxamed Mursal Sheekh Cab…

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed…

Warar laga helayo Madaxto…

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaan…

Guddoomiye ku xigeenka 2a…

3 Ruux Oo Xalay Lagu Dilay Degma…

Faah-faahino dheeraad ah …

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Moo…

Dadweyne farabadan ayaa i…

Mareykanka Oo Sheegay In Duqeyn …

Taliska Mareykanka ee qaa…

C/raxmaan C/shakur "Dowlada Waxa…

Waxaa maanta lagu wadaa i…

Xildhibaano Caawa Mooshin Xilka …

Shir jiraa’id oo goordhaw…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Maamulka Puntland Oo Dowlada Federaalka Ku Eedeeyay Farogelin Doorashada 2019

Warsaxaafadeed kasoo baxday madaxtooyada Puntland ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee Puntland iyo doorashada la filayo in ay dhacdo 8-Janaayo 2019.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha Puntland ay u dhacayso sidii loogu talo galay isla markaana aan lagu samayn karin wax farogelin ah.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu taageeray gudigii ansixinta iyo xalinta khilaafaadka golaha wakiilada ee uu dhawaan magacaabay madaxweyne Gaas iyadoona shacab weynaha Puntland loogu baaqay in ay u diyaar garoobaan kana qeyb qaataan amniga guud ee Puntland.

Lahjada loo adeegsaday warsaxaafadeedka madaxtooyada Puntland kasoo baxay ayaa laga dheehan karay digniin ku socota dowlada Federaalka iyo muujinta in aanay jirin haba yaraatee farogelin lagu sameyn karo doorashooyinka Puntland ay galayso horaanta sanadka Cusub inkastoo la qiray in ay jirto farogelin ay dowlada Federaalka ay ku hayso doorashada madaxweyne ee Puntland.

Hadaba warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa sidatan:

Dowladda Puntland waxay u xaqiijinaysaa dhammaan shacabka Puntland inaan wax khalkhal ah lagu samayn karin doorashooyinka, guddiguna shaqadiisa si habsami ah u bilaabayo, isla markaana doorashadu waqtigeedii ku dhacayso laguna wargelinayo shacabweynaha Puntland inay u diyaar garoobaan doorasho, kana qayb qaataan amniga dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *