Daawo Sawirrada: Xildhibaan Deeq…

Xildhibaan Deeqo Xuseen X…

Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Askar Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Gedo

Warrkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo ka dhacay tuuladda Hareer-tuur ee u dhaxeysa degmada Balad-Xaawo iyo deegaanka tuulo Barwaaqo ee gobalka Gedo.

Ciidamo ku heyb ah Nabadoon lagu dilay Gedo ayaa weerar ku qaaday tuuladda Hareer-tuur oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Al Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo sababay in dhamaan Ciidamadii weerarka qaaday halkaasi lagu wada dilo.

War kasoo baxay Al shabaab ayaa looga hadlay dagaalkasi iyo magacyada saraakiil lagu dilay.

“ 5 askari ayaan dilnay waxaa mid ah sarkaalkii ciidanka hoggaaminayay kaas oo magiciisa lagu soo koobay Cali Fanax wuxuuna uu kamid ahaa saraakiisha ciidamada maamulka Axmed Madoobe ee sida tooska ah u hoos taga ciidanka itoobiya waxaana sido kale lagu dilay weerarka sarkaal kale oo lagu magacaabi jiray Isxaaq Qeyliyow” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dhaq-dhaqaaqa Al shabaab.

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in ciidamada weerarka qaaday ay gaarayeen ilaa 10 askari oo ku heyb ah Nabadoon dhawaan Al shabaab ay ku gowraceen degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo, balse dhamaan ciidamadaasi weerarka qaaday ayaa la sheegay in dagaalkaasi ay ku wada geeriyoodeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya xaalada gobalka gedo iney tahay mid kacsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *