Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

Guddiga Qaban-qaabada Xafladda C…

Waxaa goordhaw lagu dhawa…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Dowlada Soomaaliya Inay La Shaqeyso Xafiiska UN-ka

Qoraal kasoo baxay kulankii Sabtidii lasoo dhaafay uu yeeshay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayey wadamada xubnaha ka ah Golaha si buuxda u taageereen hawsha uu wado Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya UNSOM.

Golaha Amaanka ayaa dhinaca kale sheegay inay taageerayaan Madax-banaanida iyo Midnimada Soomaaliya, balse ugu baaqay dowlada Soomaaliyeed ay xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn la yeelato UNSOM, iyagoo sheegay inay si buuxda u taageerayaan hawlaha Qaramada Midoobay ka wado dalka Soomaaliya ee la xariira Nabadeynta, xasilinta iyo horumarinta.

Wuxuu golaha Amaanka ka xun yahay go’aankii dowlada Soomaaliya ku eriday Wakiilka gaarka ah ee Ambassador Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, Golaha wuxuu u mahadnaqay Ambassador Haysom iyagoo sidoo kale si buuxda u sheegay Taageerada golaha u hayo xafiiska UNSOM iyo awooda hawshooda loosiiyey oo ku qeexan Qaraarkii Golaha Amaanka ee sanadkii hore [Resolution 2408.]

Golaha Amaanka ayaa sheegay in sanadka 2019 uu yahay sanad muhiim u ah wadanka Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen dhamaan hogaamiyayaasha Soomaaliyeed inay wada shaqeeyaan si xal looga gaaro caqabooyinka Siyaasadeed iyo Amni ee jira.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii lasoo dhaafay sheegay inuu soo magacaabi doono ergey cusub oo lagu bedali doono Ambassador Nicholas Haysom.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedaysay Haysom inuu faraha la galay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, kadib markii qoraal uu soo saaray su’aalo ka weydiiyey dowlada dilalkii ka dhacay magaalada Baydhabo kadib xiisadii ka dhalatay xarigii Mukhtar Roobow Abuu Mansuur.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *