Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga D…

Sayid Cali Sheekh gudoomi…

Daawo Sawirrada: Madaxweyne Cabd…

Madaxweynaha dowlad gobol…

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Cii…

Al-Shabaab ayaa degmada C…

Gudigga Doorashooyinka Qaranka O…

Gudigga doorashooyinka Ma…

Baaritaanka Dab Qabsaday Suuqa B…

Maamulka Gobalka Banaadir…

"Wareegto" Ra’iisal Wasaare Soom…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuum…

Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen…

Madaxweynaha Cusub Koonfu…

Gollaha Amaanka Oo Ugu Baaqay Do…

Qoraal kasoo baxay kulank…

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gar…

Madaxweynaha Dowlad Gobol…

Guddiga Qaban-qaabada Xafladda C…

Waxaa goordhaw lagu dhawa…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Guddoomiye Ku-xigeenka Gudigga Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Jawaabay Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay

Sayid Cali Sheekh gudoomiye ku xigeenka gudigga doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed oo habeenimadii xalay ay xilka ka qaadeen xubno ka tirsan gudiga ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu iska difaacay eedaymo loosoo jeediyay iyo sharci ahaanshaha xilka qaadista lagu sameeyay.

Sayid Cali Sheekh waxa uu sheegay in xubinimadiisa ay soo martay habab kala duwan isla markaana ay ansixiyeen golaha baarlamanka, waxa uu sheegay in sababta waqtigaan keentay xil ka qaadistiisa ay salka ku hayso khilaaf hareeyay xubnaha gudigga sanadkii lasoo dhaafay.

Sayid Cali Sheekh sidoo kale waxa uu eedayn u jeediyay gudoomiyaha gudigga dooraashooyinka Qaranka Soomaaliyeed Xaliimo Yarey oo uu sheegay in ay ku tagri fashay awoodii gudigga, Musuqmaasuq, keligii talisnimo, cadaalad daro iyo in ay ku fashilantay shaqadii ay qaranka soomaaliyeed u haysay ayuu ku eedeeyay gudoomiyuhu, sidoo kale waxa uu xusay in ay eedo usoo jeediyeen hay’adaha la shaqeeya gudigga.

Ugu danbayn waxa uu sheegay in uusan ku qanacsanayn go’aanka ka soo baxay qaar ka mida xubnaha gudigga isla markaana uu dacwad ka dhan ah hor gayn doono golaha baarlaamanka dhamaan cadaymiheediina uu hayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *